Mxaad kala socotaa in kooxda ALSHABAAB ay lacago baad ah ka qaataan goobaha ganacsi ee Muqdisho ku yaala

Kooxda ALSHABAAB ayaa lacago baad ah ka qaada Ganacsatada magaalada Muqdishu  oo aan aheyn tii kooxdaasi ay ku macneeyeen Zakada.

Ganacsatada ayaa sheegaya inay helayaan telefoonno uga imanaya Rag ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago baad ah.

Ganacsatada ama maamulayaasha shariikadaha qaar ayaa looga yeeraa degaanno ka tirsan Shabeelada dhexe iyo Shabeelada Hoose, markaasi oo lagu war geliyaa qiimaha bishii laga doonayo in ay bixiyaan ama lacag mar qabad ah, Ganacsadihii diidana waxaa loo sheegaa in goobtiisa Ganacsi la qarxin doono ama isagaba laga taqalusi doono.

Deegaanada looga yeero ayaa waxaa ka mid Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose,  iyo qaar ka tirsan Shabeelada Dhexe halkaasi oo loogu hanjabo inay bixiyaan lacagaha.

Ololahan ayay Al-Shabaab bilwoday Sanado  ka hor, iyagoo dadka leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar intaba aan kala soocin .

Hoteelada Baararka Warshadaha  iyo Shirkadaha dhamaan waxaa ay bixiyaan lacagahaasi baadda ah iyadoo Kooxda ALSHABAAB kuwii bixin waaya ka qaada talaabada ku haboon oo sharcigooda waafaqsan