Kheyre oo furay shirka golaha wasiirada oo markii ugu horeysay ka dhacay meel ka baxsan Muqdisho

Kulamadaan ayaa ah mid isbarasho ah iyo in la isla meel dhigo howlaha shaqo ee ka dhaxeeya wasaarad walba.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in shirarkaan ay leeyihiin wasiirada federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland uu hordhac uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah inuu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goob joog ka ah kulamadaan isagoo soo dhoweeyay kulamadaan cusub ee horay dhicin.