Akhriso qoraal xiiso leh oo uu Prof: Yaxye Sh Caamir ka diyaariyay habkii loo qeybiyay Safiiradii iyo Qunsuladii xiligii Kacaanka

Dooda Akhristayaashu waxa ay igu kaliftay in aan dib u akhriyo qayba ka mid ah buugaagta ii taal minanka. Ha u qaadan qabiil qormadaan, waa magacaabid ku soo baxday dekareeto madaxweeyne oo sharci ah,kadibna Faafinta rasmiga ah ee dowlada lagu qoray madaxweeynuhuna saxiixay..

Safaaradaha iyo qunsuliyadaha somaalida ku matalayay caalamka sanadkii 1990 haddii aan ku soo koobo.Waxa ay ahaayeen 45 Diplomacy ,magacyadoodana waan hayaa haddii loo baahdo,adna waad heli karta , wax qarsan ma aheeyn oo idaacadaha xitaa waalaga sheegay magacaabida xilalkaa. Waana sida soo socoto:

a)Daarood=31Diblomaasi.( b) Digil&Mirifle=1.( C) Isaaq=1. (d) Hawiye=2. (e) Reerxamar.=3. (.f) Harari=1. (g) Dir=4. (h) reerowxasan =1. (i) shiikhaal =1.

GUDOOMIYAYAAL GOBAL.

gudoomiyayaasha18 ka gobal ee dalka ee ku soo baxay dekereeto madaxweeyne ,waa is bedbedalayeen waxaa jirtay waqti 90% la dhihi karay waa isku reer , laakin 1990kii markii Jabhaduhu ka dilaaceen dalka ayuu kacaanku ku dadaalay in qabaailka aan hore gudoomiye gobal u laheey wax loo magacaabo,si ay u kala fur furan jabhadaha.1/3 ayaana la siiyay qaarka mid ah kuwii wax tabanayay.

Gudoomiyayaasha gobaladu waxa ay ahaayeen sidan sanadkii. 1990.
1-Cali Maxamed Adan- Darood- marexaan- Gobalka Gedo.

2-Abdulahi Cartan wagad-Darood-mareexan-Gobalka J/Hoose.

3-Maxamed Cali Geele- Darood-Dhulmahante- Gobalka Baay.

4-Maxamed Xaji Saciid- Darood-warsangali-GobalkaSh/ Hoose.

5-Khaliif maxamud warsame- Darood- Mareexaan-Gobalka waqooye galbeed.

6-Abshir Salah Maxamed –Darood- Dhulmahante- Gobalka togdheer.

7-Jibriil Cali salad- Darood-warsangeli- Gobalka Sanaag.

8-Mustafa Dahir Afqarshe- Darood-dhulmahante-Gobalka Sool.

9-Cali Xaydar Cabdulle- Darood- Ogaden- Gobalka Mudug

10-Barkhad Cali Salax-Darood- Majeerteen- Gobalka Galguduud.

11-Cabdullahi Cali Kooshin- Darood-Mareexaan – Gobalka Hiiraan.

12-Adan Cabdibilale- Darood- Mareexaan –Gobalka Sh/ dhexe.

13-Sayid Cumar Xaaji Mohamed-Hawiye-Abgaal- Gobalka Banaadir.

14-Muse Xusein Cumar –Hawiye –Abgaal –Gobalka Nugal.

15-Cumar xaashi Addan -Hawiye- Xawaadle- Gobalka Barri.

16-Mohamed Sh. Cabdisalam- Hawiye – Gaaljecel-J/dhexe

17-Axamed Cabdullahi Cawale- Dir- Gudabiirsi—Gobalka Owdal.

18-Maxamed NurJileey-Raxanweyn-Jeron- Gobalka Bakool.

JANARAALO
Waxaa na soo maray 1960-1990 tiro ah 110 janaraal. In kabadan 57% waxa ay ahaayeen Darood…Hawiye 22%.Isaaq 7% rahanweyb 3% iyo11% qabiilada kale.

XILDHIBAANO

Golaha shacabka. Waqtigii kacaanka looma qaybsaneeyn 4.5 ee waxa ay aheed hadba shuruudaha uu kacaanku ku soo xusho , waqtigii kacaanka Golahashacabku waxa uu ahaa 177 xildhibaan, dhamaan magacyadoodiina waan wada helikarnaa.
Waxaayna kala ahaayeen sidan (1) Darood=84 Xildhibaanoo ah47%.( 2) Hawiye= 33 Xildhibaanoo ah 18.6% .(3) Isaaq =22 xildhibaanoo ah 12.4% .(4) Digil/mirifle = 8 xildhibaanoo ah 4.5%.( 5) Shiikhaal= 4 xildhibaan . (6) Reeraw xasan= 1 xildhibaan. (7) Dir= 10 xildhibaan .( 8) Yaman= 1 xildhibaan (9) Madhibaan= 1xildhibaan.(10) Reerxamar= 13 xildhibaan.

dhamaan xildhibaanadaa qaran magacyadooda waanhayaa. .. Aqristoow ;fadlan qormadaan ha u isticmaalin aragti qabiil, u arag taariikh somalida soo martay. Haddii aan runta ka hadalno haddaba 4.5 ayaan wax ku qaybsanay oo qabiil ah, markaa ayaa jufa waliba jufa hoosaad u sii kala qaybisatay. Xilalkana weli waxaan ku qaybsanaa hab qabiil,markaa taa shalay waxaad u isticmaali kartaa is barbardhigiyo in aad ka fiiriso sababta keentay in dhamaan qabiilada somalidu ay mar kaliya ku wada kacaan kacaankii, xataa kuwa aad is leedahay sadbursi ayaa la siiyay laftuudu waa ku kaceen ileeyn xubnaha matalayo ma ahan kuwa rabatitaankooda ku yimid , lagaba yaabee in lagu xumeeynayay.
Ogow, Calanka, Ciida iyo Calaamaduba waa naga dhexeeyaan nin gooni isku xijikarana ma jiro. laga yaabee in qof uu si gooni ah isku xijiyo kacaanka.. ..Caalamkuna wuxuu noo yaqaan kuwii isku midka ahaa ee geeska Afrika ku noolaa, ( ReerTala Xume).

FG:Ogoow. anigu ma ihi kii xilaalkaa magacaabay, ama lagala tashaday adiguna ila mid ayaad tahay.waxaaan soo ururiyay qoraalo iga hor la qoray waxa ay igu qaadatay 4 saacadood in aan helo kadibna aan qoro. Adiguna dhowr daqiiqo ayeey kugu qaadatay in aad aqriso.Marka aragtidaada xor ayaad u tahay, waad igu dhaliili kartaa, i six karta, wixii aan ka qalday xor ayaad u tahay in aad saxdo haddii aad tix raax u heeyso. Anigu intan aan qoray waxaan hayaa qoraaladii aan ka soo tix raacay, laakin qoraaladu (qur’aan) ma ahan .waad ka sixi kartaa wixii khalad ah.

Qore :Yahya Amir.