Dagaal ka dhex dilaacay Beelaha Galmudug iyo Puntland

Dagaal gobolka Mudug ku dhexmaray dad xoolo dhaqato ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa ka la sheegayaa in la joojin la’yahay.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Gacma-Fale ee duleedka magaaladda Gaalkacyo, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Illaa shan  ruux ayaa geeriyootay halka tiro intaas ka badana ay dhaawacmeen, dhamaan dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa ahaa dhinacyadii dagaalamayay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dagaalamaya ay isku haystaan arimo la xariira dhul daaqsineed iyo aanooyin qabiil, Maamuladda Puntland iyo Galmudug wali kama aysan hadlin dagaalkan ka dhacay miyiga Gaalkacyo.