Shirkii Amniga oo weli qir iyo iqr la kala taagan yahay iyo warar cusub cusub oo kale

Shirka oo shalay dib u furmay ayaa waxaa horay u shir guddoominayay madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ka cudur daartay shalay, iyadoo lagu soo waramayo in qodobadii la isku haayay qaar la isla gartay qaarna kale ee dhimana maanta la isla gaaro heshiis.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in madaxweyne Farmaajo tan iyo xalay inuu kulamo gaar gaar ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada oo iyaga raba in awood ku yeeshaan masiirka dalka iyo dhismaha ciidamada 18 kun.Qodobka la isku haya ayaa ah cida maamuleysa dhismaha ciidamada isku dhafka ah ee 18 kun iyo qaabka lagu soo xulaayo.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in shirkaan lagu gaaro go’aan ah in ay awooda dalka iyo talooyinka wax ka maatalaan sida madashii hoggaanka qaran, oo awoodii baarlamaanka horay ula wareegay.

Waxaa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro maanta inkastoo ay suuragal tahay inay wax walba isbadalaan.