Ra’sulwasaare Kheyre oo La Wareegay Shir Guddoonka Shirka Golaha Amniga Qaran

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoonka shirka golaha amniga qaran ee ka socda Muqdisho kala wareegay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirka oo shalay dib u furmay ayaa waxaa horay u shir guddoominayay madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ka cudur daartay shalay, iyadoo lagu soo waramayo in qodobadii la isku haayay qaar la isla gartay qaarna kale ee dhimana maanta la isla gaaro heshiis.