FIIRSO Gudoomiye Taabid oo qalab dhisme iyo agab kale si hoose ugu wareejiyey Shirkadda KULMIYE

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Axmed ayaa qalab iyo warshad dhismaha ah oo dowladda hoose ee Turkiga ugu deeqday maamulka gobolka si hoose ugu wareejiyay shirkad gaar loo leeyahay.

Taabit Cabdi ayaa heshiis hoose la galay shirkadda uu leeyahay Cabduqaadir  Abuukar Cumar Caddaan, waxayna dhan yihiin qalabka lagu wareejiyay in ka badan 50 gaadiidka dhismaha, warshad dhawaan Turkiga ugu deeqay dowladda hoose ee Xamar iyo qalab kale oo fara badan.

Heshiiska hoose ee guddoomiye Taabit uu la galay madaxa shirkadda Kulmiye ee qaabilsan dhismaha, C/qaadir Cumar Caddaan, ayaa ah in  khidmad joogto ah oo aan la ogeyn cadadkeeda uu helo bil walba Gudoomiye Taabid.

Arrintaan ayaa waxaa si weyn ugu carooday shirkaddaha kale ee dhismaha oo aad u doonayay in ay helaan qalabkaan, hase ahaatee Guddoomiye Taabit ayaa waxaa lagu eedeeyay in heshiiskaani aysan meesha ka marneyn masuqmaasuq halka ay aheyd in uu qabto tartan shirkaddaha dhan ka qeyb galaan.