Sh. Cumar Faaruuq; ma shaluu qaldanaa mise maantuu saxan yahay?! Faafin; luulyo, 2012

Weydiintu waxay ku timid, ka dib markii Sh. Cumar Faaruuq uu FATWO DIINEED ku sheegay, in dawladdii Shariif Axmad, ay kaashan karto dawldaha dariska (XABASHIDA), oo ay hore ugu gaalaysiin Cabdullaahi Yuusuf (Aabbaha xerta Xabashida), dawladdiisana ugu sunteen GAALORAAC!

Faalladaa, waxaa ka falceliyey wariye Albadri, oo labada marba ku tilmaamay, in Sh. Cumar Faaruuq uu saxnaa, ee aysan jirin mar uu qaldnaa! Maangal? Is la ma lihi.

Haddaba, marka aan arko, maqlo ama dareemo WADAAD ku milan siyaasadda, waxaan gartaa, in qalloocii aqooleed ee jiray, uu ku darsoomay qalad kale, oo qaflan baabayn na galin kara, haddii uusan nagu qasbin.

Maanta mar kale, waxay taagan tahay, in WADAAD inta na soo hor istaago, uu nagu yiraa, xildhibaankii MOOSHIN ka keena RW ama MW, guryahooda iyo degaannadooda ayaan ugu galaynaa!

Sh. Baaruud Gurxan, shaqada xildhibaan, in ay ka mid tahay, in uu MOOSHIN keeno ma oga miyaa? Marka sidee qof shaqadiisa qabsaday, loogu colaadin karaa, heer gurigiisa loogu dhaco?.

MOOSHIN keeniddu sideedu u ma ahan DAMBI, ee habka iyo hannaanka loo keeno ayey ku xiran tahay. Ka sokow, horta kan keenaya iyo kan laga keenayo, maxay WADAADKA isu dhaamaan? Kan laga keenayo, ma wuxuu uga fiican yahay, kuwii ka horreeyey, ee laga keenay, waliba isaga oo wadaadku meesha uu hadda joogo joogi jiray? Hadda maxaa isbadalay? MOOGI!

WADAADOW, rag siyaasad iyo sedbursi is ku haya, ha u ku ka la sarraysiin cod DIINEED, oo dadku kaa duggaashanayaan.

Waa la MURRUGAY!

BASHIIR MAXAMED XIRSI