Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay gudiga taakuleynta ciidamada

Xaflad loogu talo galay taakuleynta ciidamada ayaa waxaa qabta madaxda sare Qaranka waxaana lagu magacaabay gudi taakuleyn Qaran ah.

Guddiga taakuleynta ciidamada ayuu madaxweynaha  guddoomiye uga dhigay Jen. Jaamac Maxamed Qaalib halka kuxigeenna uu u magacaabay SHeekh Nuur Baaruud Gurxan.

Intii ay xafladaas socotay ayaa dadkii kasoo qeybgalay ay ugu deeqeen ciidamada deeq lacageed, waxaana lacagtii ugu badneyd dadkii ku yaboohay ka mid ahaa Guddoomiyeha gobolka Banadir Tabait Cabdi oo sheegay in Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay ku yabooheen lacag dhan 8-kun oo doolar iyo xildhibaanad Canab oo kun dollar ugu dabarucday ciidamada.

Munaasabadaan ayaa ujeedadeedu aheyd qorshaha dowladda ay ku damacsan tahay in mushaar joogto ah helaan ciidamada qalabka sida.