Gaso, ganuun, Gasiin   Q. 49aad  (Prof. Cali Jimcaale Axmed) Waa sheekadii xiisaha badneyd ee toddobaadlaha aheyd.                                         

 

Gaso, ganuun, Gasiin   Q. 49aad

Prof. Cali Jimcaale Axmed

XLIX

Bildresultat

Sheeko, sheeko!

Sheeka Xariir!

Docda xigtay orrax udhaca Kaawada waxaa degganaa oday iyo islaan cuttiya oo ay u ekayd in eeyan wax duunyaa dunida ku hayn. Doqoshkooda waxaa dhexyiil oo keliya Sariir cattiira iyo kolay wax ku jira aan la aqoon. Waxaa kale oo doqoshka agtiisa ka dhisnaa waab. Waabtaasna waxaa dhexyiil labo dermo oo aad u qabtay in laga tolay caaw derba ah oo si gooniya loo maliiqay.

“Yaa adiga waxaas oo dhan kuu sheegay haddaadan uurkubbaalle ahayn?”

Waxaa adkayd in la kala garto in dhawaqu ka soo dhacay dhinaca qoraaga ama kan sheekada sheegayey. Yaab ka yaabkiise, waxay si wadajir ah u yiraahdeen: “Wax wax kuu sheega lama waayo, ee wax wax ku siiyaan la helin.”

Haddana qoraagi ayaa yiri, “Aw Sheekoole, ka soco, hawl aan yarayn ayaa na sugaysa ee bal dib ugu noqo odaygi iyo islaanti aan ku heshiinay in aan sheekada ku soo darno.”

Sheekoole ayaa yiri, “Xaad kaga danleedahay kuwi aan sheekada ku soo darray? Waxaad weli u haysataa in aan annagu majaraha u hayno waxa qormaaya iyo tibaaxa isa soo taraaya. Annagu awood uma lihin aan cidna ku soo darno ama kaga saarno sheekada. Mar hore ayaan mooday ama u haystey in aan taa isla meel dhignay. Sheekadu waa ammaano u baahan in aad u gudbiso sidi laguugu soo dhiibay. ..”

Qorihi ayaa ka soo dhexgalay oo yiri: “Arrooy ha igu noqon sida ismoog aqalkeeda aslaysa. Waa taan meel isla dhignay cidda curiska sheekada iska leh. Xilkaagu waa uun in aad tebiso. Wax aadan ahayn ha isu qaadan. Calaa kulli xaal, ka soco oo dib ugu noqo reerki kaawada qod ka degenaa.”

Sheekoolaa hoos u yiri, “Balaayo waa tii kaa qoslisa.” Haddana inta uu qoslay ayuu si ku dhegohadal ah u yiri: “Hawraarsan. Waxaad tiraa aa jira.”

Lammaanaha da’da ah ee Kaawada dhinaceeda qorraxsin degganaa ayay kobtaasu muddo dheer ruun u ahayd. Waxay ka soo hayaameen meel bari ka xigta Caddow Tulux oo aan wax badan ka fogayn Ulasanta soke. Waxay soo galeen Daarul Amiin maalin uu kulayl aan caadi ahayn ku dhuftay magaalada. Subaxi ka horeeyey maalintaa ay beledka soo galeen ayaa roob mahiiggaan ah oo ay wehliyeen gugac iyo biriq aan hore loo arag baqda ka dhigay bartamaha magaalada. Haddana ma ahayn wax laga maago oo marar badan ayaa hore loo soo arkay roob ku kooban xaafad ka mida wadar xaafadood oo isku dheggan. Runti Daarul Amiin ma ahayn meel loo qiray in ay ahayd magaalo magaalo, laakin waxay ahayd uddur ka weyn meelo kale oo badan oo arlaadi ka mid ah oo loo oggolaaday in ay isku sammiyaan Beled.  Magac-bixintu sideedaba waa tu aan majo iyo madax la qabto toona lahayn. Waa xaajo nin xooglihi u duuddaydi la sheegi jiray. Sidoo kale magaalo noqoshadu waxaa sal u ah in ruunka cusubi salkiisu godanyahay. Waxay lammaanuhu deggenaayeen kobtaasi wax aan ka badnayn sagaal bilood. Muddo yar ka dibna waa kuwii u sii baqoolay xaggaas iyo Xamar Cadde.

Odaygi ayaa markii hore shaqo ku meel gaara ka helay dhagax gurki ka socday Kaawadi. Oday Toob oo Toxob adeerki labaad ah ayay Shiil Kebed xagga odayaasha iyaduna qaraabo ama xigto ka ahaayeen. Wax yar kabdibna waa kii Shiil la soo baxay mihnad ay xitaa islaantiisu markii hore ka war hayn ama ogayn in uu aqoonteeda lahaa. Waxaa uu soo baxay xeeldheere looga dambeeyo isticmaalka walxaha qarxa ee salka u ah kaawo qodidda iyo dhagax jebinta. Waxaa uu hawshaas hayey muddo sagaal sano ah. Waxaase hawshii nacsiiyey maalinti uu nin ay saaxibbo ahaayeen lug iyo gacan ku beelay god uu ka qodaayey meel aan wax saasa u jirin goob uu Shiil saacado ka hor ku xiray walxaha qarxa. Shiil ayaa wixi maalintaa ka dambeeyay go’aansaday in owsan dib ugu noqon shaqadiisi hore. Aayo Caanood Burjaan ayaa ka yaabtay go’aankiisi kediska ahaa. Waxay isku dayday in ay u sheegto in meesha eeysan joogin rixin awooda in ay daryeelaan muggi uu ka dhammaado kaydka yar ee dhakhuurka dheer ku dhigmay. Shiil ayaa ka biyo diiday qiil kasta ay Caanood soo hor dhigtay. Waxa uu yiri, “Arruug arrintiisa looga ma roona. Anigaa og meesha aan noo wado ee adiga aan kalsooni kaa helo. Minaad dhabarkayga iyo reedayda taagantahay wax i dhibi karaa ayaaba iska yar.”

Muddo yar kadibna, waxaa la arkay Shiil oo sancoyaqaan muddawi ah, dadkuna ku sii qulqulayaan doqoshkiisi. Waxa uu ku taqasusay cudurrada ilmaha. Waxaa la arkay usuga oo wax ka qabta ama daaweeya cudurro ay ka midyihiin jadeeco, busbus, miciyow, af-burbur, hiig-dheer, jururuqle, geedka kore. Waxay Caanood ka yaabtay meesha ow Shiil ku bartay in cudurrada qaar ka midihi lagu daaweeyo caleenta geedaha. Waxay aragtay seygeedi oo caleenta geedka gobka ah tumaaya oo haddana xildiid iyo malmal ku daraaya oo ilmo derisku u keeneen madaxa ka saaraaya. Waxa ay ka yaabtay marki ay maalin kale aragtay Shiil oo ilmo ka daweynaaya jururuqle. Waxay ka baqday in ay eed uga timaad marki ay aragtay isaga oo caloosha ka sarsaraaya ilmihi. Waxay ka welwashay wixi dhicikarey haddii ilmuhu dhiig bax aan la joojinkarin ku dhacaan ama meeshi la saray ay fashfashto. Waxay haddana aragtay wadaadkeedi oo kaaha waaberi magaalada waqooyigeeda u kallaha oo barqadi milay ay tahay la soo naqda sagaaro.  Waxay ka yaabtay sidi fuudka sagaarada uu ugu daweeyo hiiq-dheerta ilmaha ku dhacda. Waxa la isku raacay in gacantiisa lala jiray.

Waxaa kale oo la isku raacay in danyartii deggaanka ay ka heleen naruuro iyo ladnaan xirfad beddelkii Shiil ku noqday muddawi. Inti uusan bilaabin daaweynti ilmaha aagga ayay danyarta meeshaa ku nooli kala kulmi jireen dhibaatooyin aan yarayn muggii ay ilmuhu ka xanuunsadaan. Waxaa jiray muddawi aad looga yiqiin Xamar Cadde oo isna gacantiisa si aad ah loola jiray. Waxaa la isku raacay in uu Abbooki ahaa muddawi aan ka yaraysan, haddiiba uu ka fiicnayn, muddawiyiin dibedda wax ku soo bartay.  Waxaa uu ilmaha ka goynjiray dalqada, ilkahana waa ka bixinjiray marki uu miciyowga ku dhaco. Waxaase Shiil iyo Abbooki ku kala duwanaayeen in uu shiil danyarta aan haysan lacag caddaan ah uu ka qaadijiray wixi kale oo ay ku bixin kareen khidmaddii loo qabtay. Kuwo ayaa u keeni jiray diig ama dooro, ama dhallo subbag sixin ah ama saliid macsara ah. Qofki fuundinimada wax ka yaqaannay ayaa khidmadi loo qabtay ku gudijiray in ay hawl ka qabtaan doqoshki iyo waabti ku hortiil.

La soco Q.50aad 
   
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed