Waxaa Muqdisho ku soo qul qulaya magaalada, iyadoo maalinta Sabtida ee taariikhda ku beegan tahay 8 July lagu wado inuu furmo Kalfadhiga labaad ee golaha Baarlamaanka.
Hadaba Arrinta cusub ee aadka loo hadal haayo Muqdisho iyo dhamaan dalka guud ahaan iyo baraha bulshada ayaa waxay tahay, dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee ay xildhibaanada qaar isla wadeen.
Xildhibaanada qaarkoo ayaa beryahan shuxshuxda laga maqlaayey waxay aheyd in ay keeni doonaan moshin ka dhan ah Ra’sulwasaare Kheyre.
hadaba arinta hada shakiga weyn keentay ayaa waxay tahay in Guddoonka Baarlamaanka uu waagii hore qaati ka taagnaa isu soo aruurinta Xildhibaanada fasaxa ku maqan, marka uu soo dhowaado Kalfadhiga Baarlamaanka, si ay dhaqse u soo xaroodaan, hase ahaatee hada waa ka duwantahoo Xildhibaanadii oo aan loo yeerin ayaa iskood dalka ugu soo laabanayaan, ka hor inta aan la gaarin furitaankii kalfadhiga
waxaa la aamin san yahay in duufaan siyaasadeed oo cusubi dilaaci doonto,iyaoo madaxda Dowladdana ay farta gacanta ku wada haayaan.