Maxbuus dil ku xukunaa oo xabsiga dhexe ugu geeriyooday cudurka daacuunka

Maxbuus ku xukunnaa dil toogasho ah ayaa ku dhex geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar, maxbuuskaasi ayaa maalmihii lasoo dhaafay u jiifay cudurka Daacuunka oo xabsiga uu ka dhex dilaacay

Maxkamadda ciidamada milateriga iyo saraakiisha asluubta ee xabsiga maamula ayaa sheegay in maxbuuskaan oo dil ku xukunaa u timid qatarkii Alle, sidaasina uu u geeriyooday.

Waxaa bishii hore xabsiga dhexe ugu dhex geeriyooday haweeney ku xukuneyd 15 sano oo ka tirsaneyd uurka Al-Shabaab, kuna caawin jirty inay inay hubka u hayso.