FOORSO Sawirro Madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirka amniga qaranka

Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa galinkii danbe maanta furay shirka amniga qaranka Soomaaliya, kaasoo ay ka qayb kaleen ra’iisul rasaaraha, ku xigeenkiisa , madaxda dowlad-goboleedka iyo taliyaasha kala duwan ee ciidamada

Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.Shirkaan ayaa socon doonno mudo labo cisho ah, waxaaan la filayaa iney kasoo baxaan qodobo la isku raacsan yahay oo khuseeya guud ahaan amniga dalka.Madaxda maamulada dalka ee shirkaan ka qeybgashay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed, Madaxweynaha Jubbaland Axhmed Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Puntland, C/weli Gaas, Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”.