Farmaajo Oo Sameeyay Sifo Uu Nabiga (SCW) Uu Ka Dayriyay

Madaxwayne Farmaajo ayaa heysta fursad wanaagsan, maadaama uu 97% taageeero ka helay markii la doortay shacabka Soomaaliyeed.

Haddaba tan iyo maalinkii la doortay dadka naqddiya siyaasaddiisa waxa ay sheegaan in uu sameeyay qaladaad kala duwan oo xitaa keenay in ay falal waa wayn dhacaan, islamarkaana ay kala jabaan isaga iyo xertiisii ololaha.

Qaladka ugu wayn ee uu sameeyay waxa ay ahayd markii uu meel cidla ah kaga tagay qaar kamid ah dadkii usoo ololeeyay xilligii doorashada, taas oo ah ballan furnimo, waana sifo uu Ilaahay iyo rasuulkiisaba ay ka dayriyeen.

Cali Yare Cali oo kamid ahaa udub dhaxaadka kooxihii u ololeynayay Farmaajo ayaa hadda dib ugu noqday Swedan, waxaana taas ay ka dambeysay markii uu war cad ka waayay Farmaajo oo ka door biday Cabdinuur Maxamed oo ah Afhayeenka madaxtooyada Villa Somalia.

Si ay ahaataba xaalku waa mid kamid ah qaladaadkii ugu waa wayn ee ay gasho xukuumadda Farmaajo, maadaama ay sameysay jazaarnimo.