Xabsiyada Ethiopia Oo Firaaqo Noqon Doona Marka Uu Ka Tago Ra’iisul Wasaare, Haddaba Waa MAxay Sababta?

Inkabadan 100-maxbuux ayaa laga sii dayn doonaa xabsiyada kuyaalla dalka Ethioipia saacadaha soo aaddan, kaddib heshiis ay wada galeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sii daynta maxaabbiistan ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaan uu halkaas booqasho ku tagay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka codsaday xukuumadda Adis Ababa in ay iska sii dayso dhalinyarada ku rafaadsan xabsiyada dalkaas.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sidoo kale ay waddo dadaalo lagu sii daynayo maxaabbiista Soomaaliyeed ee kujira xabsiyada dalalka caalamka oo ay Sycelles ugu horayso.