Maxaad kala socotaa xanuunada Ku Dhacay Xildhibaanada Beesha Muddolood Ee La Loolamay Xasan Sheekh Maxamuud?

Vladamir Lennin oo ahaa hoggaamiye kamid ah kuwii ugu magaca dheeraa Midowgii Sovieti ayaa laga hayaa xikmad oranaysa “Markaad Sokeeyaha la coloowdo, waa marka aad ugu badan tahay shallayga iyo murugada, haddii aad hareer marto natiijadii aad rajeynaysay,”.

Xikmaddan waxaan usoo gocday, waxaa jiray xildhibaano kamid ah beesha muddolood oo hor istaagay in uu dib usoo noqdo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa mid kamid ah madaxdii ugu wanaagsanayd ee dalka soo maamulay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabdiqaadir Cali Cumar,  Caddow Cali Gees, Ambasador Maxamed Nuur Americo, Maxamuud Maxamed Tarsan iyo qaar kale oo kamid ah xildhibaanada sagaalka ah ee beesha Muddolood ay ku leeyihiin dawladda Soomaaliya.

Caddow Cali Gees  ayaa dareemaya xanuun aad u daran oo dhanka maskaxda ah, maadaama uu neerfo ka qaaday lacagtii waalida ahayd ee kaga baxday ololihii doorashada ee uu kaga soo horjeeday madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiqaadir Cosoble oo isna kamid ah siyaasiyiinta beesha Muddolood islamarkaana hadda kusugan magaalada Muqdisho ayaa aad uga xumaaday wixii uu kusameeyay walaalkiisa Xasan markii doorashada lagu jiray.

Sheekh Shariif isna wuxuu shallaay ka taagan yahay in uu la ololeeyo Farmaajo oo ku tiigsaday reerkiisa Muddoloodka, taas oo hadda uun uu dareemay, wuxuna mar walba weji gabax kala kulmaa beeshiisa Abgaal.

Haddaba waa maxay damiir xumada heysata xildhibaanada iyo siyaasiyiinta beesha Muddolood? ee ay la garan la’ yihiin ujeedkooda iyo hadafka reerkooda, jawaabta su’aashaas laftigaaga oo akhristaha ah ayeey kuu furan tahay in aad ka aragti dhiibato.