Isticmaalka Adeegga EVC-Plus Oo Laga Mamnuucay Gobolka Hiiraan

War-murtiyadeed kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda maamulka Hirshabeelle ayaa lagu joojiyay isticmaalka lacagta electaroonigga ah ee EVC-Plus ee laga isticmaalayay magaalada Baladwayne iyo agagaarkeeda.

Adeeggan oo ay bixiso shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa ahaa mid ay dadku u isticmaalaan mobilkooda,  iyagoo adeegsanaya lacagta Dollarka American ka, taas oo hoos u dhac ku keentay lacagihii jajabka ahaa ee shillin Soomaaliga.

Guddoomiyaha magaalada Baladwayne Aadan Xeefoow ayaa sheegay in ay u daneenayaan lacagta shillinka Soomaaliga, oo ay ganacsatada magaaladaas diideen in ay wax ku beeciyaan.

Ganacsatada gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday olole lagu diidayay isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga, baddalkana waxa ay door bidayeen isticmaalka adeegga EVC-Pluska oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si waali ah loogu isticmaalo.