Halkee Buu Ka Bilawday Dagaalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Iyo Milkiilayaasha Beerta Nabadda?

Beerta Nabadda, waa mid kamid ah magacyada waa wayn ee kugu soo dhacaya marka aad tahay qof ku cusub ama ku nool magaalada Muqdisho, waa goob loo dalxiis tago, carruurta la geeyo, dumarkana ay kusoo indho cagaar buuxsadaan marka ay hawsha fasax ka yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thabit Cabdi ayaa dhawaan sheegay in si lacag la’aan ah lagu booqan doono Beerta Nabadda, islamarkaana aysan cidna ka xigin dadka Muqdisho Beertaas loo dalxiiska tago.

Qaar kamid ah ganacsatada isla leh xaruntaas oo diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegay in ay fahansan yihiin ujeeddka guud ee guddoomiyaha aynna tahay in uu doonayo in Share ama saami laga siiyo xarunta, ama lacago dheeri ah oo baad u eg lagu harqiyo.

Tallaabadan ayaa ah mid aan u wanaagsanayn sharaftida iyo qofnimada guddoomiyaha gobolka Banaadir oo qaatay go’aan aysan horey u qaadan madaxdii isaga ka horeysa.

Ganacsatada Beerta Nabadda ayaa sheegay in ay heshiis kula jiraan dawladda aynna shubeen lacago badan, qandaraaskoodana uu ka harsan yahay sannadyo badan, balse ay u arkaan qalalaaso iyo dhibaato arrinka uu wado guddoomiye Thaabit Cabdi.