DHARI LABA DHINAC KA GUBTAY: Alshabaab Oo Gobolka Hiiraan Ka Mamnuucay Lacagta Shillin Soomaaliga

War lagu baahiyay warbaahinta Alshabaab ayaa lagu sheegay in aan lagu isticmaali karin lacagta shillin Soomaaliga gaar ahaan midda lagu sameeyo deegaanada Puntland.

Alshabaab ayaa ku sheegay in ay tahay lacag sharci darro ah, aysanna macquul ahayn in laga isticmaalo deegaanada gobolka Hiiraan ay ka joogaan, taas oo dhibaato ku noqotay dadkii deegaanka oo horay cabasho kala duwan uga qabay sicir bararka ka jiray suuqyada gobolkaas.

Dhanka kale war saxaafadeed kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan ayaa iyana lagu joojiyay isticmaalka adeegga lacagaha ee EVC+Plus ka, iyagoo sheegay in ay dhiiro gelinyaan ganacsada iyo dadka danyarta ah ee aan heysan lacagta Dollarka.

Lacagta Shillin Soomaaliga ayaa ah mid kala duwan, tan ay Alshabaab mamnuuceen waa midda cuseeb xigeenka ah, laguna soo naqshadeeyo deeganada Puntland, sida ay hadalka u dhigeen, hasa yeeshee waxa si caadi ah looga isticmaalayaa deeganada Alshabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan lacagta duugta ah ee Shillin Soomaaliga, taas oo ay ku tilmaameen in ay tahay midda saxda ah ee ay u baahan yihiin in laga isticmaalo deegaanadooda.