DEG DEG:- Mid Kamid Ah Ergadii Soo Xushay Baarlamaanka Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Toogtay

Axmed Cali C/raxmaan (Axmed Jaxsha) oo kamid ah odayaal dhaqameedkii soo doortay xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu toogtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Degmada Dharkiinley ee Wuqooyiga magaalada Muqdisho ayuu dilka odayga ka dhacay, waxaana ay goobjoogayaasha sheegayaan in saddex nin oo bastoolado ku hubeysan ay rasaaseeyeen marxuumka islamarkaana ay madaxa kaga dhufteen dhawr xabbadood, taas oo keentay in uu durba meesha ku geeriyoodo mudanahaas.

Dableyda dilka geysatay oo dhallinyaro ahayd ayaa durba goobta ka baxsatay, lamana oga sababta ka dambeysa dilka oday dhaqameedkan, balse Alshabaab ayaa billihii lasoo dhaafay beegsanayay odayaashii soo xulay xildhibaanada Qaranka.