Somaliland oo heshiis labaad la gashay Imaaraadka Carabta

Heshiiskan ayaa ka dhacay Hotel Intercontinental ee magaalada Abu Dhabi.

Heshiiska cusub waxaa lagu caddeeyey dhismaha waddo isku xirta Berbera iyo Itoobiya taas oo loogu yeero (Berbera Corridor).

Sidoo kale heshiiska cusub ayaa lagu sheegay in ay kamid tahay dhismaha garoon caalami ah oo laga dhiso magaalada xeebta ah ee Berbera.

Sidoo kale waxaa jira heshiis muran badan dhaliyey oo aan weli fulin kaas oo Dowladda Imaaraadka Carabtu ay saldhig Milteri uga dhiseyso magaalada xeebta ah ee Berbera.

Heshiiska Berbera Corridor iyo dhismaha garoonka cusub ee Berbera ayaa la aaminsan yahay in uu kor u dhaafi doono hal bilyan oo dollarka Maraykanka ah.