Qaramadda Midoobay oo hoos u dhigtay Kharashkii lagu bixiyo nabad ilaalinta

Qararka ka imaanaya xafiiska nabad ilaalita ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in la isku raacday dhimista ku dhawaad lix boqol oo milyan oo doolar oo ah miisaaniyadda sannadlaha ah ee hawlgaladda nabad ilaalinta.

Mareykanka oo ah dalka ugu bixinta badan lacagtaasi  ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, laakiin wuxuu ku baaqay in la sameeyo dhimis kale oo dheeraad ah.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in dadaal kasta loo sameeyey in lagu fuliyo socodsiinta nabadda inkastoo miisaaniyadda hoos loo dhigay.