Qarax Bambo gacmeed ah oo ka dhacay Muqdisho

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa Bambo Gacmeed lagu Weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Bambo gacmeedka waxaa lagu tuuray Qeybta Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow goobtaasi.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waxaa soo gaaray dhaawac.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa dhammaantood ah Shacab, iyadoo wararku intaasi raacinayaan inay jiraan dad kale oo meelo fog fog ku waxyeeloobay.