Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay Sh/ dhexe

Dadkan dagaallamay oo Beeraley ah ayaa waxaa uu dagaalkooda ka dhashay kaddib markii uu soo dhexgalay muran salka ku haya lahaanshaha dhul beereed degaankaas ah islamarkaana u dhow Kiliga ama Kanaalka qaada Biyaha Wabiga ee Beeraha lagu waraabiyo.

Mid ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta,ayaa sheegay in labada dhinac ay is kood saaka u joojiyeen Xabadda kaddib markii ay cabbaar dagaallameen iyada oo aysan jirin cid kla dhexgashay.

Waxaa uu sheegay in labada dhinaca oo isku heysta Dhul beereed ay hadda ku howllanyihiin hub urursi iyo in ay Ciidamo isu raadsadaan.

Maamulka Shabeellaha dhexe ooo degaankaas maamula wali kama hadlin colaadda ka soo cusboonaatay Tuulada Boorow ee hoostagta  Koongo.