Shabakadda Shaaciye, ayaa ka digaysa kor u kaca ku imaanaya gabdhaha Soomaaliyeed  ee adeegsadda maandooriyaha.

Shabakadda Shaaciye, ayaa ka digaysa kor u kaca ku imaanaya gabdhaha dhalinyarada Soomaaliyeed  ee adeegsadda maandooriyaha.

Gabdhaha Soomaalida  ah gaar ahaan kuwa da’doodu ka hooseeyso 25 jir ayaa noqday gabdhaha ajaanibta ah kuwa ugu maandooriye isticmaalka badan dalalka Scandinavia marka loo fiiriyo ajaanibta kale

Gabdhaha ama dhoocilada Soomaalida ah ayaa maandooriyaha dartiis ku soo dhacaan banaan cidla ah una go’doomaan maandooriyaha.

Dhoociladan ayaa mararka qaar hadii aysan heysan lacag ay ku iibsadaan Daroogada jirkooda ku bedesha iyagoo la seexda cidii markaasi ka caawineysa in ay Maandooriye helaan.

Qaar ka mid ahi gabdhahaasi dhalinta yar waa  hooyooyin caruuro dhalay oo loo yaqaan Single Mother, waxayna saas darteed u noqdaan in ay helaan lacag ay ku iibsadaan Daroogada

Waalidiinta iyo dhamaan  bulshada Soomaaliyeed ee Scandinavia ayaa noqday kuwo  gabay kaalintii kaga aadaneyd badbaadinta dhalinyaradda ku dhacay maandooriyaha.

Gabadhahan ayaa ah kuwo isticmaalka maandooriyaha ku bilaaba xilliga ay yar yar yihiin (dhoocilnimada), waxayna maandooriyaha ka hor bilaabaan Sigaarka, Shiishadda, iyo Qaadka iyagoo ka dib u sii gudba kuwa waaweyn  halkaana ka sii amba qaada.