DE DEG shabaab oo laga saaray deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegayaa in uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maleeshiyada Nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kaga qabsadeen dagaalkaas degmada Janaale iyo Deegaanka Murshaani.

 

Sidoo kale Saraakiisha dowladda ayaa sheegay inay khasaaro badan gaarsiiyeen Maleeshiyada Al-Shabaab oo dhibaato badan ku haayay shacabka ku nool deegaanada lala wareegay.