Amarkii uu Madaxweyne Trump ku mamnuucay lix wadan oo maanta dhaqan galay

Amarki uu Madaxweyne Trump ku mamnuucay inay soo galaan dalka Mareykanka, qaxootiga iyo muwaadiniinta ka soo jeeda lix waddan oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa dhaqan galaya maanta oo Khamiis ah.

Madaxda Waaxaha Arrimaha Dibadda, Cadaaladda iyo Amniga gudaha ayaysan wali u kala caddeyn shakhsiyaadka loo ogolaan doono in ay soo galaan iyo kuwa laga celin doono xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha Mareykanka ee kasoo jeeda dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa u xaqiijisay dadka musaafurka ah in aysan la kulmi doonin isk-dhax-yaacii ka dhacay garoomada diyaaradaha marki ugu horeysay ee uu dhaqan galay amarki madaxweyne Trump bishii March ee sanadkaan.