Yaa Ka Dambeeyay In Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur Laga Saaro Liiska Argiggixisada? (Xog Muhiim Ah)

MAreykan ka ayaa kasaaray liiska argiggixisada hoggaamiyihii Alshabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, haddaba su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah ‘Yaa isku xiray Mareykan-ka iyo Sheekha?’.

Dad badan oo siyaasadda Soomaalida aad u qiimeeya ayaa aaminsan in dawladda Qatar ay fududeysay heshiiska labada dhinac, islamarkaana dhawaanahan uu wada hadal uga socday magaalada Doha laba dhinac.

Heshiiska waxaa qayb ka ahayd in Mansuur laga saaro liiska argiggixisada, baddalkana uu isna jabhaddiisa kusoo wareejiyo dawladda Federaalka, inkastoo aragtidaas ay ka biyo diideen garabka taabacsan Rooboow, haddana waxaa la isla gartay in marka hore laga saaro liiska argiggixisada, kaddibna heshiiska uu halkaasa kasii socon doono.

Fahad Yaasiin ayaa dhex dhexaadiye wayn ka ahaa, maadaama uu aqoon shakhsiyadeed uu u leeyahay Sheekh Mansuur, sidoo kalena uu dulaal u yahay dawladda Qatar, taas ayaa fududeysay in ay xilli hore is fahmaan labada dhinac.