WAR DEG DEG AH: :Qarax Caawa Ka Dhacay Degmada Wadajir

Wararka caawa naga Soo gaaraya Xaafadda Aargada ee Degmada Wadajir ayaa ku waramaya in qarax miino uu halkaas ka dhacay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ku ciyaarayay Nin Dhimirka loogu jirey islamarkaana magaciisa lagu sheegay maxamed, wuxuuna kamid ahaa dadka deegaanka.

Qaraxa miino ayaa la sheegay in  kaliya maxamed uu ku geeriyooday dad kalana aysan waxyeelo kasoo gaarin sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha amniga.

lama oga halka uu ka keenay ninkaan waxyaabaha qarxa.