Waa Tee Shirkadda Horay U Fashilantay Ee Lagu Wareejiyay Biyaha Soomaaliya?

Shirkadda caanka ah ee SRT Martin oo ka shaqeysa arrimaha badaha ayaa ku guuleeysatay loolankii loogu jiray hanashada xuquuqda iyo ilaalinta badda Soomaaliya oo ay Qaramada Midoobay u qabatay.

Shirkaddan waa nooc shiradeed oo ka shaqeysa ilaalinta badaha iyo kalluumaysiga sharci darada ah, fadhigeeda ugu wayn wuxuu ku yaallaa magaalada London ee xarunta dalka UK.

Sannadkii 1987-kii ayeey ahayd markii la aas aasay shirkaddan, waxaana ay tahay shirkad hab maamulka iyo Tiknolojiyadda wax ku ilaalisa, ballanqaadyada ugu waa wayn ee ay sameyeen madaxda shirkaddaas waxaa kamid ah in ay ka hor tagi doonaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida iyo shirkadaha Ajaanibta ah ee ka kalluumeeysta xeebaha Soomaaliya.

Waa Markii ugu horreysay oo badaha Soomaaliya loo gacan geliyo shirkad ajinabi ah, balse shirkaddan waxaa la sheegaa in ay tahay mid ku shaqeysa nidaamka ‘“Kaqaado, waxba Ha U Qaban!” oo¬†ah nidaam aad u liita oo ku dhisan in manaafacaadka laga qaato xeebaha, sidoo kalena qashinka iyo sunta lala doonto xeebaha dalkeena.