Qaraxyo Lala Damacsanaa Magaalada Barakeysan Ee Makka Oo La Fashiliyay Iyo Xaaladda Oo Sii Cakirmaysa

Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay fashilisay weerar lala damacsanaa Minninka barakeysan ee Makka, islamarkaana ay qabteen shan kamid ah dad looga shakisan yahay in ay maleegayeen weerarkaas.

Saraakiisha amaanka dawladda Riyaad ayaa aaminsan ay ragga la qabtay ahaayeen kuwa damacsanaa in ay weeraro bahalnimo ah ka geystaan magaalada Barakeysan ee Makka, halkaas oo kamid ah goobaha ugu mashquulka badan xilliyadan oo kale.

Musliim jinsiyado kala duwan wata ayaa iskugu soo aruuray magaaladan, tobankii maalin ee ugu dambeysay, iyagoona halkaas ku ictikaafayay, kuna cumreysanayay.

Weerarkaan la fashiliyay ayaa kusoo aadaya xilli siyaasadda gobolka ee uu Sucuudigu ku lugleeyahay ay tahay mid aad usii xumaaneysa, kaddib cunaqabateentii dalka Qatar la saaray.