Mareykan-ka Oo Muddo Kaddib Muqdisho Ka Furi Doona Safaaraddiisa

Danjiraha Maraykan ka u fadhiya Soomaaliya Amb Stephen Schwartz ayaa xaqiijiyay in dhamaadka sannadkan ay usoo wareejin doonaan gudaha Soomaaliya dhammaan waxyaabaha ay qabato safaaradda Mareykan ka ee Soomaaliya.

Safiirka ayaa si aad ah u amaanay dawladda Soomaaliya, isagoona ku sheegay in ay suurta gelinayso in dalka ay kusoo hirtaan beesha caalamka, maadaama billicda iyo amaanka ay si wada jir ah muhiimadda u siinayso.

Stephen Schwartz ayaa sheegay in ay hadda wadaan dhismaha safaaradda cusub ee Mareykan ku kuyeelanayo magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu sheegay in ay tani fursad wanaagsan u tahay Soomaali badan oo shaqa la’aan ahna ay ka shaqa bilaabi doonaan.

Waa markii ugu horreysay ee safaaradda MAreykan ka lasoo dejiyo Soomaaliya, ugu dambeyn marka la gaaro dhamaadka sannadkan 2017-ka ayaa loo soo rari doonaa gudaha dalka.