Kaddib 10-sano Oo Duur-Galnimo Ah; Waddankee Buu Ku Noolaan Doonaa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur?

Kaddib markii uu helay Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur xoriyad ah in uu meeshuu doono u safri karo, maadaama laga saaray liiska argiggixisada, waxaa isa soo tarayay wararka sheegaya halka uu ku noolaanayo, 10-sano oo duur galnimo ah kaddib.

Dawladda Qatar oo ahayd midda fududeysay xiriirka Washintong iyo Rooboow, sidoo kalena horay magan galyo siyaasadeed u siisay madax hore oo Alshabaab ah ayaa qorsheynaysa in ay ku qalqaaliso in uu iskaga noolaado magaalada Doha ee caasimadda dalkaas.

Sidoo kale warar hoose oo aan ka helayno dhanka Sheekh MAnsuur ayaa sheegaya in uu aad ugu riyaaqsan yahay dalabka Doha, kolba haddii uu la midoobayo madax hore oo Alshabaab iyo maxkamadaha ay iskala mid ahaayeen, sida Sheekh Abuu-Bakar Iimaan, Maxamed Siciid Atam iyo hoggaamiyeyaal kale oo ay horay saaxiibo u ahaayeen.

Sidoo kale wuxuu heystaa dooq ah in uu iskaga sii noolaado dalkiisa hooyo, maadaama uu hadda xor yahay, balse diyaar uma ahan in uu kusii jiro nolol noocan oo kale, kaddib 10-sano iyo waxkabadan oo uu kusoo qaatay.