Goorma Ayeey Dawladda Usoo Bandhigi Doontaa Saxaafadda Madixii Amniyaadka Alshabaab? (Sir Culus)

Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay saxaafadda usoo bandhigi doonto dhawaan C/wahaab Axmed Khaliif oo ku magac dheeraa (Ciise Tarabbuun), kaas oo dhawaan lagu soo qabtay hawl gal xaalufin ah oo ay ciidanka dawladda ka wadeen suuqa wayn ee Bakaaraha.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa ku tilmaamtay Ciise Tarabbuun uu ahaa madixii amniyaadka Alshabaab, ee u qaabilsanaa arrimaha dilalka qorsheysan iyo hawl galada ay gobolka ka sameynayeen ururkaas.

Tan iyo markii ay awoodda la wareegtay xukuumaddan cusub, waa hoggaamiyihii ugu waynaa ee Alshabaab ka tirsan oo nolol lagu qabto, warar ayaa sheegayay in uu doonayay in uu isa soo dhiibo, balse si kasta oo ay ahaataba dhawaan ayaa la filayaa in loo soo bandhigo dad waynaha iyo saxaafadda ba.