Al-shabaab oo Laga Cabsi Qabo Weeraro ay Geystaan Maalmaha Ciida

Ciidamada amaanka ee ku kala sugan Magaalooyinka Mogadisho, Baydhabo iyo Boosaaso ayaa heegan la galin doonaa  inta loo dabaal dagayo munaasabadda Ciidul fidiriga oo maalin bari ah loo badaniyo kadib markii laga war helay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay weerar ka geysan rabaan Magaalooyinkaas.

ilo dhanka amaanka ah ayaa sheegay in Al-shaabab ay qorshaynayaan weeraro kala gadisan in ay ka geystaan Magaalooyinka Mogadisho, Baydhabo iyo Boosaaso oo ka kala Tirsan gobolada Banaadir,Bay iyo Gobolka Bari.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada ay ka geytaan magaaalada Muqdisho, kii ugu dambeeyay ayay ka geysteen Degmada waabari kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha  Qarxa lagu galay Saldhiga Degmadas.

Sidoo kale waxay Al-shabaab weeraro ku qaadeen bishaan Gudaheeda Degmada Wadajir, iyo maqaayadaha Pizza House iyo Boosh oo ku yaala Degmada Wadajir.