Gaso, Ganuun, Gasiin Q.47aad (W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed) Waa sheekadii toddobaadlaha aheyd ee aad sugeyseen

 

                           Gaso, ganuun, Gasiin    Q. 47aad

Prof. Cali Jimcaale Axmed

XLVII

 

Sheeko, sheeko!

Sheeka Xariir!

Waagii markuu baryay ayaa ciddi intoodi kale ku soo keceen iyada oo hiindadii dab babbinayso. Odaygi ayaa hooyadii bariidiyay. “Shirmaad soo kacday,” ayuu weydiiyay. Hooyadii ayaa u garatay in su’aashu su’aal ahayn. Waxay tiri, “Shimaanan soo kicin. Hiindo lagu seexdaay ha seexan. Ma fadhiyaa ii yaalla?” Odaygi ayaa isna gartay in su’aashu jawaab ahayd. Waxyar kadibna waxay weegaar u soo farriisteen si ay afka u mariyaan hammuuntirki hooyadi guriga soo hoos dhigtay. Waxa ay ciddu ka yaabeen meesha ay hooyadu caano lo’aad oo dhaay ah ka keentay. Jabaq oo qoslaaya ayaa yiri, “Hooyo, adiga wax aan kuu qarsaneyn maa jiraan?” Odaygi ayaa ku daray, “Waa dhabiisho, tashiilka Rabbi u dhammeeyey.” Hooyadii ayaa qososhay oo tiri, “Igaaryahay, xaad beriga rabtiin oo aad iga sasabaneysaan? Shib dhaha oo gawsku ha ismaqlo.”  Waxaa meeshaas lagu cunay afbilow baraka leh.

Marki la quraacday kadib ayaa odaygi qandigiisi kala soo baxay biladaye iyo saliibo iyo weliba qadhabo ama qardhabo ama maqas ama manqas. Waxaa uu fadhiistay meel waxoogaa u jirta meeshi ay ku quraacdeen. Jabaq ayaa isna bilaabay in uu la dheelo labadi wiil ee reerka ugu yaraa. Waxay bilaabeen in ay dhuudhuumashow dheelaan. Geberti ayaa tiri, “Xaytahay dhuumaalaysi subax la dheelaayo? Maqribki maa sugtiin?” Jabaq ayaa durbadiiba fagax yiri oo inta uu meel isku qariyay yiri, “Karakuuk!” Labadi wiil koodi roonaa ayaa baadigoob ku dhaqaaqay. Kii yaraa ayaa oohin afka furtay, isaga oo ka biyodiidsan in looga hormaro raadinta meesha uu dhawaqu ka soo dhacaayey. Geberti ayaa xambaaratay yiciski oo inta ay la kuday ag joojisay luukhi uu Jabaq ku dhuuntay. Inta ay qososhay ayay tiri, “Xaan ku dhahay, ma iftiinaa wax la kaayaa, macaadallaahi waaba qof dhan oo madax iyo majo leh.” Muluqi ayeey firixdi ka dhamaatay.  Jabaq ayaa yiri, “Kabaalkaa jab, dheesha maadaa laguugu talogalay.” Gabadhi ayaa tiri, “Waxaan rabay in aan ku tuso in aad u geftay xeerki dhuudhuumashowga.” Inta ow indhaha kugubay ayuu si kaftan ah uyiri, “caku tan iyo xeerkeeda!”  Iyaga oo meeshoodi taagan ayay booloboolo cirka maraysa arkeen. Gabadhi ayaa bilowday in ay ku luqeyso:

Booloboolo buubtooy

Canka biyo ku qaaddooy

Habarteed u diiddooy

Aaabaheed u diiddooy

Walaalkeed u diiddooy

Walaasheed u diiddooy

Alkunkeeda sii satooy.

Jabaq ayaa ka maagay jiibiska dambe oo walaashiis hooriska uga dhigtay heesti booloboolada. Inta uu wejiga kaduuday ayuu yiri, “Xaad ka waddaa alkunkeeda sii satooy? Ma biyihi aad dhammaanteyn noo diidday aad siineeysaa alkunkaaga? Tuf ku bax!”

Geberti ayaa tiri, “Arrooy waa dheel gebdhuhu dheelaan ee wax kale how qaadan.”

Iyaga oo weli kaftanki haaneedinaaya ayay maqleen hooyadii oo waceysa ama u yeeraysa. Hal mar ayay islayiraahdeen “Hee, hooyo.” Waana kuwii u qumay xaggii iyo meeshii ay hooyadu joogtay. Hooyadi ayaa ku tiri, “Mugga waa milaygi aan sii soconlahayn ee bal kaalaya aan isqaban qaabinee.”

Waxay hooyadii bilowday in ay labadi wiil ee reerka ugu yaraa ay dhexgeliso baaf ay biyo ku jireen. Jabaq iyo walaashiis ayaa iyuna midkasta bilaabay in ay wejiga dhaqdaan. Waxyar ka dib odaygi oo aad u qabto nin soo xuubdhacsaday ayaa dhinaca kale ka soo baxay. Waxa uu saliibadii iyo maqasti iyo biladayihi ku ritay qandigi ay markii horeba ku jireen. Hooyadi oo mar hore isdiyaarisay iyada oo markii horeba qurux iyo joog Eebe u dhameeyay ayaa shanley meel ay ku haysay aan la ogayn ama la aqoon odaygi garbaha u saartay. Isku soo duub oo waxaad arkaysay cid si toolmoon loogu soo libisay. Haddana dharka ay xirnaayeen ayaa ahaa qaydyo iyo waxaan ka roonayn dufulo bulji Maraykaan laga soohay. Saasooy tahay, waxaad arkeysay in ay si xarrago leh u libisnaayeen. Dharka ay lebisnaayeen ayaan lahayn wax uskaga. Uskag waa ceeb, waa ceeb; arradse waa dan, waa dan. Dan iyo ceeb, ceeb iyo dan. Uma ekayn dad ka soo guuray dhoobeey ama dooy. Hooyadii ayaa laabta ka qososhay. Waxay soo xasuusatay geberti ri’di hebedda ahayd la tagtay oo had iyo jeer ku hawlneed in ay nadiifiso calalladii ay xirnaayeen. Waxay niyadda ka tiri, “Tolow, beledkaan aan hadda nimid maka helidoonaa gasangas ama wax u dhigma oon dharka ku dhaqanno.”

Hooyadii ayaa soo xasuusatay hadal uu aabahayd beri kula dardaarmay. Waxa uu odaygu muggaas ka soo noqday safar indhoindhayn ah oo uu Waagaade iyo Haduuman ku tegay. Sanadkaas kii ka sii horreeyay ayuu wejigabax kala soo kulmay, safar sahan ah oo uu ku tegay Mushaani iyo Muddul. Mug kasta ay xasuustaasu ku soo maaxdo ayay ka biyodiidijirtay in ay soo xasuusato sidi aabaheed uga deyrshey safar seddexaad oo ka sii horreeyay labadaan ay markasta xasuusato. Odayga ayaa Waagaade u tegay in uu kula soo xaajoodo eysin uu adeer ama etheer u ahaa. Waxa uu diiday in uu sheego waxa ay xaajadu salka ku haysay. Keliya waxaa uu gebertiisa ku yiri seddax weer oo aad u qabtay in ay ahaayeen maahmaahyo ama maahmaahyo u eg: “Maandhaay, La hel lahel, la waa’ ayaa ku xigta. Ogowna, Dhar aadan lahayn iyo dhirif ceeb kuuma asturaan.” Jabaq hooyadiis ayaa marar badan Jabaq iyo gabdhihi la dhashay ku huwaayeeysay labadaa murti. Waxa aysanse ku codayn murti seddexaad oo ka mid ahayd dardaaranki adoogeed. Waxay marar badan isweydiisay waxa ay u kala dhantaashay dardaaranki adoogeed. Marki ay xaajadu ku qaraaraato ayay soo bixijirtay sida gorayo madaxa ciidda la gasha si ay isu diidsiiso waaqica ka jira reedaheeda. Marmar kalena, waxay isku qancinjirtay in ayan iyaduba garan waxa odaygu tibaaxaayey. “Waxaanan anigu fahmin saan ilmo ugu sheegaa,” ayay laabta ku sasabijirtay. Haddana waxaa go’aankaas oo kale qaatay saygeeda oo, marki ay u sheegaty hadalki aabaheed, indhaha kor iyo hoos u gedgediyay, kuna hadaaqay wax aan milgo lahayn. Waa kii yiri:  waa sarsar sarrif u baahan.

Inta ay qososhay ayay tiri, “Oday Suge oo kalaad u hadleysaa ee dib ugu noqo higgaadda.”

“Xaad igu gelaysaa, adigii lagu sheegay ayaan arkin in gammuun baal la’aani uus genmin.”

Waxa ay ku heshiiyeen in ay la kaashadaan Aw Shammuuq mugga xiga uu deggaankooda soo maro.  Usbuucna lagama joogin marki ay tuuladi oo dhan isugu soo baxday in ay soo dhoweyso Aw Shammuuq. Wareerku waxa uu ka taagna in Aw Shammuuq ahaa nin ka caaggan xoolo aan kuwiisa ahayn. Mugga uu safraayo xitaa waxa uu hore u sii qaadanjiray quudki uu u baahnaankarey inti uu safarka ku maqanyahay. Si kastaba ha ahaatee, waxay ballan ku dhigteen in ay ugu tagaan kobti aqalka looga muday. Jabaq hooyadii iyo aabihii ayaa loo geeyay Aw Shammuuq. Sheeko horudhac ah ka dib, waxay Awga ka codsadeen in uu u iffiyo hadal ka mid ahaa dardaaranki aabaheed. Inta uu cabbaar aamusay ayuu yiri, “Xow aabahaa kugu yiri oo aadan garan?”

Waxay tiri, “Waxaan ka maagay, maya, ka maagnay, waxa ow ula ama ooga danlahaa murti ay noola ekaatay sanado kadib  in ay qabyo ahayd.”

Aw Shammuuq ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Adigu tacriif aadan ogayn ha dul saarin hadalkiisa ee keliya ii sheeg waxa uu yiri iyo sida uu u yiri.”

Waxay tiri, waxa uu iyiri:” Kurtun iyo dhaxan; kudkude iyo gaajo.”

Aw Shammuuq ayaa afka gacanta saray. Inta uu dhulka fiiriyay ayuu yiri, “Ma dhooli ayuu saarnaa muggi uu saas idin yiri?”

“Xaa dhooli saaray ma isagaa mariil ahaa muggi ow saas igu yiri,” Ayay si didmo ku jirto ugu jawaabtay.

Aw Shammuuq ayaa si xasillan u yiri: “Maandhaay, minow hadalkaas ku yiri isaga oo aan maliil ahayn, oo haddana sida aad hadda sheegeyso ay ahayd milay uu ka soo noqday safar uu ugu tegay igaar uu adeer u ahaa, waxaa muuqanaysa in wadar wax uu ula jeedikaro. Labaanse ka soo qaadilahaa oo midda hore tahay: laf dhuux leh iyo dhagax la isla waa. Tan labaad, waa mid aan anigaba ii caddayn oo aanan hubin meel aan ula jeedo ta’wiilkeeda. Waxaanse isleeyahay, waxa uu aabaha si dadban kuu lahaa: Xoolo candhaa u jilicsan.”

Inti aan hadal kale la weydiinna waxa uu Aw Shammuuq ka codsaday in loo faaruqiyo goobta si uu wax yar u nasto. Sida qof aad u daallan ayuu gacan sii liicaysay u taagay martidi ta’wiilka u soo doonatay.

Toxob oo la hadlaaya xaaskiisi ayaa yiri, “Walaasheey, xaad ku maqantahay, muddaan kula hadlaayey oo aanad i maqline?”

Inta ay saa indhaha ula bacleeshay ayay tiri, “Eebaan ka nabadgalnay fildarro facayn naga reebta.”

Toxob ayaa aragti kale u celiyay. Waxa uu garanwaayay waxa ay ka hadleysay. Haddana inta uu qoslay ayuu si hoose u yiri: aamiin.

La soco Q.48aad 
   
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed