XOG MUHIIM AH: Inkabadan 670 Farmashi Oo Sharci Darro Ahaa Oo Albaabbada La Iskugu Dhuftay

Isku dar ahaan sannadkii lasoo dhaafay waxaa albaabada la iskugu dhuftay inkabadan 670 Farmashi oo sharci darro ahaa, islamarkaana iibinayay daawooyin aan tayo lahayn, gudaha dalka Kenya ee Qaaradda Afrika.

Hawl galka ayaa soo gaba gaboobay maalintii Khamiista Shalay ahayd, waxaana ku dhawaaqay Mr: Jacinta Wasike natiijada hawl galkaas sannadka socda, isagoona sheegay in qaar kamid ah Farmashiilayaashaas ay ahaayeen kuwa aan sharci heysan halka qaar kalena ay iibinayeen daawo dhacday iyo kuwa dalka ka mamnuuc ah

612 kamid ah 670-ka Farmashiyo ee la xiran mas’uuliyiintooda waxaa lala tiigsaday maxkamad, maadaama ay ku caddaatay hawshii sharci darada ahayd ee dalka Kenya ay ka wadeen.

Maamul Goboleedka caasimadda ka dhisan ee Nairobi County ayaa ah midka ugu badan ee ay ku yaalleen Farmashiyayaashaas sharicddarada ku furnaa, inkabadan 105 Farmashi oo aan sharci ahayn ayaa albaabada la iskugu dhuftay, dhammaanna waxa ay ku yeelleen magaallo madaxda dalkaas ee Nairobi, waxaa ku xigay dhanka badnaanta gobolka, South Rift, sidoo kale gobolada kale ee kala ah North Rift, Western, Nyanza, Upper Eastern iyo  Lower Eastern, oo dhammaan ay ku yaaleen Farmashiyayaasha la xiray ee sharci darada ah.