“Waxaad Soo Xasuusataa Muqdisho Oo..!” (Warbixin Rejo Kugu Dhalinaysa In Aad Iskaga Noolaato Muqdisho Xaalad Kasta Oo Ay Ku Jirto!)

Waxaad soo xasuusataa Muqdisho oo xaafad walba afarteeda gees xabbad ka socoto. Waxaad soo xasuusataa Muqdisho oo lahjadda aad ku hadlayso dartii laguu dili karay [dad badanna loo dilay], waxaad soo xasuusataa Muqdisho oo xaafad xaafad u kala xirneed. Waxaad soo xasuusataa mar aad ka baqaysay in shaarkaaga iyo surwaalkaaga lagaa furto Muqdisho dhexdeeda.

waxaad soo xasuusataa Muqdisho oo isgoys walba reero isbaaro u tiilay. Waxaad soo xasuusata ayadoo Muqdisho diyaarado Helicopters ah lagu duqeynayey bilaa turid waqtiyo kala duwan, waxaad soo xasuustaa ayadoo Muqdisho xaafad walba BM iyo Taangi lagu garaacayey, oo meydadkii tira badnidooda dartii yaanyuuraha iyo eyda ay cuni jireeen. Waxaad soo xasuusataa Muqdisho oo dadkii guryaha inta loogu galo lagu gawrici jirey, xasuuso…. soo xasuuso.

Intaas iyo ka badanba markaad soo xasuusato, xaaladda maanta lagu guda jirana qiimayso, bal isku miisaamoo, wixii la soo maray iyo xaaladda Muqdisho ay maanta ku sugantahay, maxaa kuu soo baxaya?! .

Waxaas oo dhan markaad isku gayso, waxaa kuu soo baxaya in xaaladba xaalad ay ka adkayd, geediguna uu weli socdo, sidaan xaaladdu tahay si ka wanaagsanna geedigu ku furan doono. Waxaase xaqiiqa inta geedigaas lagu guda jiro dad la jecelyahay inay hari doonaan.

 Waxaa Derbigiisa Facebook-ga Kusoo qoray  Sakariye Cabdi Xaliim Maxamed https://www.facebook.com/saki.abdihaliim?hc_ref=NEWSFEED&fref=nf