War hada soo gaaray warqabadka Shaaciye.com ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanka liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Kooxda Al-Shabaab.
Sheekh Muqtaar oo ahaay Hoggaamiye kuxigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka kooxda Al-Shabaab.
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay Idaacada VOA in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul taalay 5 milyan oo dollar.
Sidoo kale Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha,allah