Shirkad Shiinaha Laga Leeyahay Oo Lagu Wareejiyay Hawada Koonfur Galbeed Iyo Shariif Xasan Oo Si Diiran Usoo Dhaweeyay Heshiiskaas

Eric Prince oo ah guddoomiyaha shirkadda Frontier Services Group  (“FSG) ayaa xaqiijiyay in ay ku guuleeysteen loolankii loogu jiray hanashada hawada iyo maamulka dekadaha deegaanada uu ka taliyo maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Frontier Services Group  (“FSG) waa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana ay ka shaqeysaa arrimaha hawada iyo fududaynta waxyaabaha la xiriira isu socodka, sidaa darteeda shirkaddan waxay ku guuleeysatay loolan ay galeen shirkado caalami ah, kuwaas dhammaantooda ujeedkoodu uu ahaa in ay la wareegaan hawada maamulkaas.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxwaynaha maamulka K/G oo sidoo kale ahaa saxiixihii heshiiskan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shaqada shirkaddan ay u qabanayso maamulka Koonfur Galbeed.

Waa markii ugu horreysay ee maamulka K/G Soomaaliya hawadiisa lagu wareejiyo shirkad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha socdaalka iyo soo dejinta, balse lama caddeyn qiimaha uu ku kacayo heshiiska labada dhinac.