Madaxwayne Farmaajo Oo Wax Aan Caqliga Galayn Ka Codsaday Jaaliyadda Soomaalida Ee Uganda

Madaxwaynaha SOomaaliya Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo oo dhawaanahan ba dalka dibaddiisa safar ugu maqan ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Uganda, isagoona kala hadlay sidii loo sugi lahaa amaanka iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.

Waxyaabo badan ayeey kawada hadleen madaxwaynaha iyo jaaliyadda, balse wixii ugu waynaa ayaa ahaa in madaxwaynaha uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kampala in ay kala shaqeeyaan amaanka magaalada Muqdisho, balse ma ahayn wax caqli gal ah in dad qurba joog ah, iyagoo dalka dibaddiisa kusugan in ay amaanka dalka ka shaqeeyaan.

Madaxwaynaha oo lagu xanto in uu yahay qof aan cod kar ahayn ayaa kahor sheegay boqolaal Soomaali ah, in uu doonayo in ay iskala kaashadaan amaanka iyo dejinta, si hufan ayeey hadalkaas usoo dhaweeyeen, inkastoo aysan awood badan u lahayn dhaqan gelintiisa