Hawl Gallo Aan Horay Loo Arag Oo Ka Bilawday Degmooyinka Ku Xeeran Villa Soomaaliya

Dadka ku dhaqan degmooyinka Hodan, Waaberi,Shangaani, shibis, yaaqshid iyo Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa kusoo waabariistay ciidan dul fadhiya iyo hawl gal ay wadaan ciidanka xasillinta caasimadda, kaas oo lagu baacsanayo kooxaha amni darada ka wada caasimadda.

Hawl galka wuxuu ka socdaan dhammaan degmooyinka ku dhaw madaxtooyada Villa Soomaalia, wuxuuna daba socdaa qaraxyadii iyo weeraradii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay.

Ciidanka Amaanka ayaa baarayay guryaha qaar, sidoo kale sidii caadada ahayd waxa ay baarayaan dhammaan gadiidka raaxada iyo dadka saaran ba.

20-kii cisho ee ugu horreysay bisha Barakeysan ee Ramadan, magaalada Muqdisho waxa ay ahayd mid nabdoon oo aan wax qarax iyo weerar ah ka dhicin, balse ugu dambeyn Alshabaab ayaa weerar adag ku qaaday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats oo isku dhaggan, tan iyo xilligaas waxaa dhacay saddex qarax kuwaas oo ay dad badan ku geeriyoodeen.