DEGDEG:-Alshabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ku Qaaday Mid Kamid Ah Bankiyada Ugu Caansan Geeska Afrika

Wararka ka imaanaya degmada Ceel-Waaq Kenya ayaa sheegaya in kooxo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Alshabaab ay weerar adag ku galeen Bankiga caalamiga ah ee Equity Bank ee degmada Ceel-waaq Kenya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda weerarka soo qaadday ay sidoo kale khaarijiyeen saraakiil kamid ah ciidanka Booliiska oo halkaas ka ag dhawaa.

Afar qof oo ay kujiraan ciidanka Booliska ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen weerarkaas oo ilaa hadda socda, sida wararka ka imaanaya halkaas ay sheegayaan.

Amniga gobolka Wuqooyi Bari Kenya ayaa noqonayay maalmihii lasoo dhaafay mid aad u liita oo dhawr jeer ayeey qaraxyo khasaaro watay ka dheceen halkaas.

Shaaciye Kala soco Wixii warar ah oo kusoo kordha Weerarkaas.