WAR DEG DEG AH: Wasiir u Dhintay Dhaawac ka soo gaaray Qaraxii Saldhiga Degmada Waabari

Sida uu Xaqiijiyay Maamulka Jubba-land waxaa qaraxii maanta ka dhacay Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir  ku dhintay Alla Ha u Naxariistee Wasiirkii dhalinyarada iyo Sportiska Maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax).

Wasiirkii dhalinyarada iyo Sportiska Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax) ayaa la xaqiijiyay In  uu watay gaari kuwa Raaxadda ah islamakaana uu wadada marayay, sidaana uu ku saameeyay qaraxa  gaariga loo adeegsaday.

Wasiirka ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaana loo qaaday isbitaal kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho, halkaas ayuu ku dhintay markii dambe.

Inta la xaqiijiyay 10-qof ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa.