Ugu yaraan 8 Qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxii lagu Weeraray Saldhigga Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir islamarkaana ay ku dhaawacmeen 15 kale.
Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noo Xaqiijiyay in Qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 5 Qof,balse weli Khasaaraha la tiro Koobayo.
Isbitaalada Daarul Shifa iyo Madiina ayaa la gaarsiiyay Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Saldhigga Waabari ee Muqdisho.
20-kii Bishaan Labo Maalin ka hor ayey aheyd markii Weerar Dhimasho iyo dhaawac sababay lagu Weeraray Xarunta Degmada Wadajir.