Fiirso Sawirro : Khayre oo la shiray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Muxuu kala Hadlay wax badan ka Ogoow

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Todobaadlaha ee masuuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku Xigeenadiisa iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka kala hadlay dardar gelinta howlaha amniga ee degmooyinka Gobolka Banaadir ka socda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Masuuliyiinta Gobolka kala hadlay iney ka shaqeeyaan Hormarinta gobolka iyo xaqiijinta ammaanka guud ee Caasimada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo kulan ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Khayre uu Masuuliyiinta Gobolka ugu baaqay in ay xoojiyaan wada shaqeynta Hay’addaha ammaanka ee gobolka.

C/fitaax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in inta lagu guda jiro Maalmaha Ciida iyo xuriyada magaalada oo dhan nadaafadeeda laga shaqeynayo, sidoo kalena nalal lagu xerayo wadooyinka waa weyn ee Muqdisho.

Ugu dambeyntii masuuliyiinta ka qeyb gashay kulankan ayaa ku balamay in la dhiso guddiyadii ka shaqeyn lahaa qaban qaabada Maalmaha Xuriyada iyo xaqiijinta ammaanka ay ka dhacayaan Munaasabadahaasi.