Wuxuu sheegay maalmaha farxada Ciida inay kala qayb qaadan doonaan Bulshada, islamarkaana ay muujin doonaan in ammaanka Magaalada uu yahay mid la isku haleyn karo.
Cabdi Holand, ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa Magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray in tani ay muujinayso in Magaalada ay tahay mid amni ah oo la isku haleyn karo.
Fanaaniinta Iidle Yare iyo Iqra Yarey ayaa iyagana soo gaaray Magaalada Muqdisho maalmo ka hor, iyaga oo qorshahooda uu yahay in Magaalada ay ku qabtaan Bandhig Faneed.