Dil Ka Dhacay Degmada Qoryooley iyo Faah Faahin laga helaayo

Wararka caawa naga soo gaaraya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay caawa degmadaas  ku dileen nin odey ahaa oo si weyn loo yaqaanay.

Ala Ha u Naxariistee Shiikh Ibraahim kaba-cadde oo kamid ahaa odoyaasha Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa caawa la toogtay waxa dilkiisa fuliyay kooxo ku hubeysnaa bastolado oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Dilka kadib waxaa  gaaray goobta ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo baaritaano goobta ka sameeyay.

Lama oga in odeyga la dilay uu kamid ahaa Ergooyinkii Xildhibaanada koonfur Galbeed Soomaliya.