Waa Maxay Naaneesyada Cajiibka Ah Ee Ay Shaqaallaha Dawladda U Yaqaanaan Ra’iisul Wasaare Kheyre (Akhri Adigaa Qosli Doonee)

Tan iyo markii la doortay ra’iisul wasaare Kheyre, waxaa jiray olole lagu tayeeynayo shaqada iyo shaqaallaha dawladda, wixii markaas ka dambeeyay waxaa bilawday kormeer iyo isla xisaabtan joogta ah.

shaqaallaha dawladda oo markii hore u bartay in ay maalinkey doonaan yimaadaan shaqada maalinkey doonaan ka maqnaadaan ayaa la kulmay cadaadis iyo culeys dhanka shaqada.

maalmaha qaar Kheyre ayaa kormeerayay shaqada, isagoona casillayay dhammaan shaqaalihii aan maalinkaas soo xaadirin shaqad.

sidaa darteeda qaar kamid ah shaqaallaha dawladda ayaa u bixiyay ra’iisul wasaaraha magaca ah “Gaatamoow” oo ay kala jeedaan in uu yahay qof dhaqsida oo soo dhuunta islamarkaana an la isku haleeyn karin.

Sidoo kale xarumaha dawladda ayeey shaqaallaha qaar u yaqaannaan “Kheyre College” oo ay kala jeedaan xabsi cilmiyeedkii Kheyre, maadaama mar walba la doonayo in lasoo buuxiyo ama la imaado sida College ka oo kale.

Haddaba waa magacyo aan naaneystiisa gaarka ah uu isaga leeyahay ahayn, kuwaas oo shaqadiisa iyo kormeerkiisa ugu baxday.