Sucuudiga Oo Geel Qatar Laga Leeyahay Soo Musaafuriyay Iyo Doha Oo Si Diiran Usoo Dhaweeysay Xoolahaas!

Dawladda Sacuudiga ayaa dalkeeda kasoo ceyriday inkabadan 15-kun oo neef oo geel ah, kuwaas oo ay lahaayeen xoolo dhaqato reer Qatar ah.

Geellan ayaa ku noolaa dhulka Bari ee Sucuudiga, gaar ahaan meelaha u dhaw lama dagaanka dalkaas, balse amar kasoo baxay dawladda ayaa lagu sheegay in ay dalka iskaga baxaan xoolo dhaqatadaas kasoo jeedday dalka Qatar oo xurguf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo waddamada Khaliijka.

Durba xukuumadda Doha ayaa u diyaarisay miisaaniyad, iyo wax walba oo ay u baahan yihiin xoolo dhaqataas, Xudduudda ayaa lagu soo dhaweeyay, iyadoo qaar kamid ah xoolihii ay waddada kusoo geeriyoodeen, maadaama dhulka uu yahay saxaro wakhtigana ay ku beegan tahay bisha Ramadan oo Sucuudiga marka la joogo ah nolol aad u adag iyo kuleel dhan walba ah.

Sucuudiga ayaa dhammaan cunaqabateen ku hayo Qatar, isagoona ku heysta khilaaf yar oo soo dhex galay labada dawladood, sidaa darteeda go’aanka ah in reer guuraa iyo xoolo dhaqato loo ciqaabo dagaal laba dawladood ka dhaxeeya ma ahayn wax diinta iska dhaaf ee xitaa Baanii Aadamnimada lug ku lahayn.

HAddaba Daawo Geella uu Sucuudiga kasoo ceyriyay dalkiisa.